Axmed Madoobe oo sheegay in Dowladda hada jirta ay ku socoto Waddadii Dowladdii Hore

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [axmed Madoobe], ayaa ku laabtay Kismaayo ayaa sheegay inuu u arko dowladda Farmaajo inay hayso waddadii dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaamain jiray.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka madaxda maamulada dalka uu ku soo dhamaaday guul isgaoo tilmamay inuu ahaa mid laga gaaray ujeedkii laga lahaa shirka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in shirkaasi uu lahaa muhiimad gaar ah oo la xiriirta dhamaystirka madasha maamullada dalka ka jira oo ahayd arrin dastuuri ah.

Mudane Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in ay ku dhiiri-geliyeen dowladda dhexe ee Somalia inay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaanka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah.

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay in Dowladda Soomaaliya laga doonaayo inay go’aan ka gaarto amnigeeda waxa uuna cadeeyay in maalin waliba Somalia loo qabto shirar dhanka amaanka ah, hadana ay dowladu tahay mid aan waxba ka kororsan.

“Xukuumadda hadda jirta waxay ku mashquushay dowlad-goboleedyada ka jira dalka, taasina waxay keeni kartaa arbushaad dhanka siyaasadda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo.

Dhanka kale, Axmed Madoobe wuxuu tusaale u soo qaatay Dowladdii Xasan Sheekh oo uu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka Dowlad-goboleedyada kaga qasaartay dowladda maantana ay waddadiaas hayso.

Dowlada Federaalka ayuu uga digay in khilaafka Khaliijka oo Somalia loosoo raro ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladdu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah.

Ugu dambeyn, Haddalka Axmed Madoobe ayaa mid loogu goodinayo DFS ee hadda jirta, wuxuuna haddalkiisa imaanayaa xili ay soo baxayaan mucaarad kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe, kaasoo ay taageerayso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST