Guddi loo Magacaabay inay u Kuur-galaan Fatahaadihii ku dhuftay Gobollada Somalia

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool una dhaxeeyo Dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka FS ayaa ka hadlay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada dalka iyo dar-dar gelinta howlaha kal-fadhiga golaha shacabka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo u kuur-galaya fatahaadaha webiyada iyo saameynta ay ka geysteen iyadoo laga sugayo inay warbixin ka keenaan xaaladda shacabka goobahaas ku nool.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa guddoomiye ka ah, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia, C/wali Sh. Ibraahim Muudey, kuwaasoo laga sugayo in warbixinno ay ka keenaan hawlaha loo xil-saaray.

Dhanka kale, Maxamed Mursal ayaa ugu baaqay dhinacyada ku deegaanka Tukaraq ku dagaalamaya in khilaaf walba oo jira wadahadal lagu dhameeyo, loona turo shacabka korkooda lagu dagaalamayo.

Haddaba, AKHRISO: Wareegtada Magacaabidda Guddiga Fatahaadaha;

PUNTLAND POST