Xuska Maalinta Isgaarsiinta Dunida oo looga hadlay Horumarinta Tiknoljiyadda Somalia

Muqdisho (PP) ─ Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka kale ee caalamka ee xusaya maalinta caalamiga ah ee isgaarsiinta oo sanad kasta la xuso maanta oo kale, si dadweynaha loogu wacyi-geliyo sida ay isgaarsiintu qiimo ugu leedahay nolosheena.

Mowduuca sanadkan wuxuu ku saabsanaa sida artificial intelligence (AI) ay u dardargelin karto horumarka, iyadoo ay soo baxayaan qalab iyo adeegyo ku shaqeeya AI oo loo adeegsan karo in lagu horumariyo nolosha dadka ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, gaadiidka, iwm.

Mas’uuliyiinta farsamada ee ka socda shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha jaamacadaha iyo dawladda, oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa ka hadlay baahida loo qabo in dhinacyada oo dhan ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa teknoolojiyada dalka.

Agaasimaha Guud ee KMG ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane C/raxmaan Macallin Caddow (Foodcadde) oo soo xiray aqoon-is-weydaarsiga ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu caawin lahaa inay hal-abuuraan adeegyo casri ah oo wax ka beddela nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in maanta wax kasta oo la sameeyo inaan looga maarmin teknoolojiyad.

Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in fursado badan ay soo bixi doonaan haddii laga faa’iideysto aqoonta artificial intelligence, wasaaradduna ay gacan weyn ka geysaneyso sidii isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka loo sii horumarin lahaa.

Ugu dambeyn, Sanad kasta 17-ka May, Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxay xustaa markii la aasaasay hay’adaas, isla markaana la saxiixay Shirweynihii Telegaraafka ee Caalamiga ah sanadkii 1865-kii.

PUNTLAND POST