Muqdisho (PP) ─ Shir-weynaha Qaran ee dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka qayb-galeen qaybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Somalia, Xukuumadda, Garsoorka, Guddiga doorashooyinka, guddiga xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad-goboleedyada, Maamulka Banaadir iyo xubno kale ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah.
Shirkan oo laga soo saaray qodobbo dhawr ayaa war-saxaafadeedkii laga soo saaray wuxuu u qornaa sidan;
- Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa;
- Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;
- Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka;
- Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;
- Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol;
- Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka;
Shirweynaha wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:
- Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka
- Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka
- Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay
- Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah
- Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya
- Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa
Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay
ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka;
Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda:
A) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:
- Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;
- Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;
III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.
- In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo
- b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;
Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:
- Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.
- Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019.
- Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.
- U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.
- Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:
- In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka;
- In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan;
- In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.
Bogaadin:
Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka.
Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.
PUNTLAND POST