Madaxweynayaasha Puntland, Hir-Shabelle iyo Galmudug oo Maanta Gaaray Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynayaasha maamullada Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Wufuuddan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed oo uu Horkacayay Sharif Xasan Sheekh Aadan, waxaana loo gudbiyay goobihii la dajin lahaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam oo ay wehliyeen mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan ayaa iyaguna horay u gaaray Baydhabo, waxaana soo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxda Dowlad-goboleedyada Somalia ayaa waxaa maanta berri ah uga furmi doona magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed shir looga hadlayo amniga iyo horumarinta maamul-goboleedyada Somalia ka jira.

Shirkan oo socon doono dhawr casho ayaa waxaa la filayaa in madaxda ka qayb-gashay ay fikrado kala duwan isku dhaafsadaan, waxaana talaabadan ay imaanaysaa iyadoo uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Hadallo kooban oo ay jeediyeen madaxda maamullada dalka ayaa waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Baydhbao isugu yimaadaan si ay shir ugu yeeshaan, waxayna ballanqaadeen inay shirkoodan kasoo saari doonaan qodobbo wax ku ool ah.

Dhanka kale, Maamul-goboeedyada ayaa waxay ku mideysan yihiin urur ka dhexeeya, iyagoo dhawr jeer soo saaray warbixinno ay ku dhaliilayaan hab-dhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada ayaan la ogeyn qodobbada ay kasoo saari doonaan shirkooda, balse marka uu dhammaado ayaa waxaa la filayaa inay kasoo saareen war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin.

PUNTLAND POST