Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Axmed Madoobe oo diyaarad gaar ah ku tagay degmada Baydhabo ayaa noqdaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo ka socda maamullada dalka ka jira oo gaaray magaaladaas, iyadoo ay socoto qaban-qaabada shir berri u furmaya madaxda maamul-goboleedyada dalka.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qaybaha bulshada.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul-goboleedyada kale sida; Galmudug iyo Hirshabeelle ay iyaguna dhawaan ku wajahan yihiin Baydhabo, iyagoo diyaarad ka raacay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa isagana kusii jeeda oo noqon doona mas’uulka ugu dambeeya ee gaari doona Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed.

Dhanka kale, Shirka golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada waddanka ka jira ayaa maalinta berri ka furmaya Madaxtooyada Baydhabo, kaasoo noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan, waxaa aad loo adkeeyay amniga guud ee Baydhabo.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu u dhoofay waddanka Qatar, sidoo kalena Dowladda Federaalka Somalia iyo maamul-goboleedyada uu ka dhexeeyo khilaaf xoog leh oo ka dhashay muranka u dhexeeya waddamada Khaliijka Carabta.

PUNTLAND POST