Turkiga: Somalia waxaa lagu hayaa cadaadis ka dhashay Mowqifkeedii Khilaafkii Khaliijka

Ankara (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Somalia lagu haayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka qaadatay khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka oo weli taagan.

Khudbad uu u jeediyay suxufiyiin ka kala socday18 waddan oo carbeed oo shir uga socda magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya lagu cadaadinayo inay dhinac la safato, taasoo uu sheegay inay tahay wax aan la qaadan karin.

Sidoo kale, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in la xurmeeyo midnimada iyo madax-banaanida dalalka carabta, isla markaana aan loo baahnayn in la cadaadiyo waddan ka mid ah Dunida Muslimka ama kuwa Carabta.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in aan loo baahneyn in aan Somalia  looga faa’ideysan duruufaha adag ee ay ku jirto, isagoo ugu baaqay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta inay is-kaashadaan – isna caawiyaan halkii ay is-cadaaweysan lahaayeen.

Dowladda Somalia ayaa wajahaysay caqabado siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen dalka Qatar, iyadoo dhowr jeer lagu cadaadiyay inay taageerto, hase ahaatee ay mowqif dhex-dhexaad ka qaadatay.

Dhanka kale, Xiisadda siyaasadeed ee Khaliijka ayaa u muuqda mid u soo wareegtay Soomaaliya, iyadoo xilligan uu hardan ka dhex socdo, xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar iyo xulufo la ah Turkiga.

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay saakay weerar madaafiic ah ku qaaday  saldhig ay Dowladda Turkigu ka hir-gelisay Muqdisho, kaasoo lagu tababbaro ciidamada Soomaaliya.

PUNTLAND POST