Qarax Tiro Dad ah ku ku Laayay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawcmeen Qarax ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Buulo-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaada Hoose.

Weerarkan oo aanay jirin weli cid sheegatay ayaa wuxuu dhacay xilli saaka uu furay suuqaas ayna joogeen xoolo fara badan, iyadoo qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay sidoo kale kale dishay qaar ka mid ah xoolihii suuqaas lagu iibinayay.

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa qaraxan ku eedeeyay Al-shabaab, wuxuuna sheegay in khasaare badan ay kasoo gaartay xoolihii suuqaas lagu iibinayay iyo ganacsatadii ku sugnaa suuqaas.

“Qaraxa wuxuu ahaa miino goobta lagu sii aasay, waxaana ku dhintay afar qof oo shacab ah, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale oo iyaguna shacab ahaa,” ayuu yiri Muxyadiin Khaliif Caliyoow oo guddoomiye ku xigeen ka ah deegaankaas.

Sidoo kale, Caliyoow oo sii hadlayay ayaa sheegay in xoolihii goobtaas ku sugnaa ay dhawr neef dhinteen, halka lo’ fara badanna ay khaaare kasoo gaartay weerarkaas oo uu ku tilmaamay kuwa ay Al-shabaab deegaankaas iyo kuwa kale ee gobolka Shabeellada Hoose kawaddo.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkaas khasaaraha ka geystay deegaanka Buulo-mareer, waxaase la sheegay in qaraxa kaddib ay xaaladdu dib ugu soo laabatay sidii caadiga ahaa, uuna ganacsiga xooluhu dib u billowday.

Ugu dambeyn, Weerarkan Qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay Al-shabaab weerartay degmada Qoryooley ee gobolkaas, kaasoo ay Al-shabaab ku sheegatay inay guulo ka gaartay.

PUNTLAND POST