WASIIR DUCAALE: Xaq uma lahan Muqdisho in maalin kasta lagu Dilo Ruux Muwaadin ah

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa ciidanka ammaanka faray inay shacabka u dhimriyaan marka ay sameynayaan hawl-gallada ammaanka lagu sugayo.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in shacabka dhankooda looga baahan yahay la shaqeynta ciidamada, wuxuuna tilmaamay inaan loo dul-qaadan doonin in qof muwaadin ah lagu xad-gudbo maalin walba.

“Muqdisho xaq uma lahan in maalin walba lagu dilo qof muwaadin ah oo aan waxba galabsan, horayna waan u sheegnay hadana waanan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeynno,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa ciidanka Dowladda ku dhiirri-geliyay inay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in dowladda ay juhdi ku bixinayso sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa.

Hadalka Wasiirka Amniga Somalia ayaa imaanaya iyadoo ciidammo gaar ah oo loo tababaray sugidda amniga Muqdisho ay billaabeen hawl-galladii ugu horreeyay ee ay amniga wax uga qabanayaan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa hadlkiisa kusoo beegmay iyadoo xalay Muqdisho lagu dilay afar askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo kooxo hubeysna ay ku toogteen xaafadda Say-biyaano ee Degmada Hodan.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa ciidammo gaar ah u diyaarisay inay wax ka qabtaan xaaladaha amni ee caasimadda Somalia inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo Al-shabaab ay kordhiso weerarradooda.

PUNTLAND POST