Dagaal Maanta ka dhacay Qoryooley iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Dagaalkaas

Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus ayaa saaay aroortii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay la wareegtay degmada Qoryooley.

Al-shabaab ayaa warbixin ay baraheeda ku baahisay ku sheegtay inay gacan ku haynta Qoryooley la wareegtay, isla markaana ay khasaare xooggan ku gaarsiisay dagaalka ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ku sugna degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in weerarro kooban ay dhaceen saakay, iyagoo sheegay in xoogag kooxdan ka mid ah ay gudaha u soo galeen degmada.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalka ay Al-shabaab sheegaetay inay ku galeen Qoryooley oo ah deegaan ay gacan ku hayeen ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay weerarro ku qaadaan degmadaas, waxaana ka hor ay deegaano ka tirsan gobolkaas ku weerarreen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Ma jiraan warar dheeraad ah oo ku saabsan warkan oo laga helayo degmadaas, iyadoo hay’adaha amniga dowladduna aysan weli hadal kasoo saarin dagaalkan la sheegay.

PUNTLAND POST