Ciidamada Dowladda Somalia oo sheegay inay Gacanta ku dhigeen hub u socday Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Sarkaal u hadlay ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo u socday kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada AMISOM ee gacanta siinaya.

Taliyaha ururka 49-aad ee ciidamada xoogga dlaka, Col. Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen gaadiid waday hub fara badan oo u socday socday kooxda Al-shabaab.

Col. Turbac ayaa sheegay in hubkaas iyo gaadiidkii siday-ba ay ku qabteen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, wuxuuna intaas ku daray inay sidoo kale gacanta ku dhigeen afar qof oo ahaa kuwii waday gaadiidka iyo hubka.

Sidoo kale, Hubka ayaa la sheegay inuu u badnaa rasaasta qoryaha AK-47 iyo PKM, iyadoo sheegeen in loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh tuulada Ray’dab oo 40-km u jirta degmada Baardheere.

Ururka Al-shabaab ayaan ka hadlin hubka la sheegay inuu iyaga u socday oo gacanta u galay ciidamada dowladda Somalia, waxaase tani ay imaanaysaa iyadoo ciidanka dowladda ay isku diyaarinayaan inay ka hortagaan weeraro ay Al-shabaab ay soo qaado inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Ugu dambeyn, Gobolka Gedo ayaa wuxuu ka mid yahay deegaannada ay intooda badan gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolkaas deegaanno aan badnayn.

PUNTLAND POST