Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaannada ku boorriyay inay la xisaabtamaan Xukuuadda

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa ka dalbaday inay la xisaabtamaan xukuumadda, si loo gaaro halka dalku uu ku wajahan yahay.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka DF inay la shaqeeyaan xukuumadda, maadaama xukuumadda iyo madaxtooyada ay ka dhexeyso wada-shaqeyn adag.

“Xukuumadda iyo Madaxtooyada waxaa ka dhexeysa wada-shaqeyn xoogan, sidaas si la mid ah ayaa waxaan u doonaynaa inay xukuumadda iyo Golaha shacabka ay si dhaw isula shaqeeyaan, si dalkan aan u gaarsiinno halka uu ku socdo,” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri hadal uu ka jeediyay kulan lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaannada baarlamaanka ay gacan weyn ka geystaan sidii loo gaarsiin lahaa dalka doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena dastuurka qabyadaha ah loo dhameysitiri lahaa.

“Maadaama Golaha Shacabka uu yahay golaha sharci-dajinta dalka, waxaan ka codsan lahaa inuu gacan ka geysto hawlaha dowladda horyaalla oo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo hawlo kale oo intaas ka badan,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Munaasabadda lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Somalia, Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan oo loo doortay dhawaan xilka ayaa hadal uu ka jeediyay ku sheegay inay ka go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan hay’adaha kale ee dalka.

Ugu dambeyn, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla hawlo badan oo la doonayo inuu ku meel-mariyo muddada xilligiisa ka dhiman, iyadoo guddoomiyihii hore Golaha uu isku casilay cadaadis xooggan oo kaga yimid xukuumadda.

PUNTLAND POST