Ciidammo isugu jiray Somali iyo Ajaanib oo Khasaare Nafeed u Geystay Dad Shacab ah

Muqdisho (PP) ─ Shan qof oo dhntay iyo shan kale oo dhaawac ah oo la sheegay inay ahaayeen shacab ay laayeen ciidammo weerar qorsheysan ku qaaday deegaan ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la keenay Muqdisho.

Maydadka iyo dhaawacyada ayaa la sheegay inay beegsadeen ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib watay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo deegaanka Bariire hawl-gal ka fuliay xalay.

Dadka deegaanka iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo lagu sheegay inay ahaayeen Al-shabaab.

Xildhibaan Mahad Dhoore oo kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan shacabka ah si bareer ah loo xasuuqay, xilli ay ku gudo-jireen ganacisgooda.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in shanta qof ee dhintay iyo shanta dhaawaca ah ay ahaayeen xoogsato doonayay in qudaar kasoo qaadeen deegaankii xalay lagu weeraray, waana nasiib-darro,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Dhoorre oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamadii weerarkan fuliyay oo ahaa Soomaali iyo Ajnabi ay nolosha ku wateen afar qof oo shacab ah oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay weerarka.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegsaday dadka la xasuuqay oo doonayay inay Qudaar goobta ka qaadaan.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka C/casiis Xidhibaan oo weerarka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu beegasday saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka  Bariire, khasaare xoog lehna loo geystay.

Ugu dambeyn, Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxaa la keenay isbitaalka Madiina ee Muqdisho, iyadoo weerarkii xalay dhacay uu imaanayo xilli shalay uu Qarax ismiidaamin ah oo khasaare badan geystay uu ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

PUNTLAND POST