Madaxweyne Trump oo sheegay in Wadankiisu uu ka baxay Heshiiskii Nuclear-ka ee Iiraan

Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Nuclear-ka ee dalalka Rreer galbeedka ay la galeen Xukuumadda Iiraan.

Donald Trump waxaa kaloo uu sheegay in Mareykanka uu Cunna-qabateyn hor leh kusoo rogi doona dalka Iiraan oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto.

Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo heshiiskaas ku tilmaamay mid musiibo ah ayaa sheegay in heshiiskaas Nuclear-ka ee Iiraan uusan waddankaas ka hor-is-taageyn inay yeelato Nuclear, isagoo intaa ku daray in heshiiskaas uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iiraan ay u hoggaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin.

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay inay Iiraan kusii socon doonto heshiiska,oo halkaasi ay kasii amba-qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qaybta ka ahaa heshiiskan.

Dhanka kale, Hoggaamiyeyaahsa Dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa Muddoyinkii dambe waday dadaalo ay ku doonayeen inuusan Trump ka bixin heshiskaas oo ahaa mid sannado ka hor la saxiixay.

Heshiiskan ayaa waxaa soo dhaweysay Israa’iil oo cabsi weyn ka qabta inay Iiraan weerar kusoo qaaddo, Waxaana go’aanka Trump ay ku tilmaameen in uu yahay mid horay u sii wadaya nabadeynta gobolka Bariga Dhexe.

Ugu dambeyn, Waxaan illaa hadda aan kala caddeyn tallabada xigi doonta ee ay qaadayaan dalalka qaybta ka ahaa heshiiskaas, Madaama Trump uu sheegay in cunna-qabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iiraan.

PUNTLAND POST