Al-shabaab oo xukun ku fulisay Haweeney ay ku eedeeyeen inay isla-guursatay tiro Rag ah

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay haweeney lagu eedeeyay inay isla guursatay mar qura 11 rag ah, waxaana goobta xukunkan laga fuliyay ku sugnaa dadweyne badan.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Shukri C/llaahi Warsame oo dhagax lagu dilay, ayaa la sheegay inay qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, waxaana la sheegay inay sheegtay inay ku qanacsan tahay in lagu fuliyo xukunkii u soo baxa.

Dilkan xukunkan ahaa ayaa ka dhacay deegaanka Sablaleele oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia, iyadoo haweeneydan lagu soo eedeeyay dambigan guurka badan ah ayaa noqonaysa tii guu horreysay oo Somalia ka dhacda.

Maxkamadda Al-shabaab ee xukunkan fulisay ayaa sheegtay in Shurki ay caafimaad ahaan wanaagsanayd, isla markaana ay maxkamadda u sheegtay inay si bareera h dambigan u gashay.

Inkastoo haweeneydan la dilay aanay goobta ka hadlin ayaa haddana dadkii goobta ku sugnaa waxay sheegeen in Shukri oo murugo ay ka muuqatay qaybta hoose ee jirkeeda dhulka lagu aasay, kaddibna dhagax garaacay illaa ay ka dhimanaysay.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay sidan oo kale haweeney dhawr rag ah isku guursatay ay dhagax ku dilaan, laakiinse waa markii ugu horreysay oo la sheego in haweeney ay 11 nin isku guursato mar qura.

PUNTLAND POST