RW KHAYRE: Ciidamadu ma ahan inay shacabka cabsi geliyaan, balse waa inay u shaqeeyaan

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta xisbiga ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasilinta amniga caasiamda, waxaana booqashadiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Benaadir ahana Duqa Caasimadda Muqdisho.

Khayre ayaa warbxinno ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaaeen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dajisteen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga gobolka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahad-celin ka dib waxuu boggaadiyay howlaha muhiimka ah ee ay qabtaan ciidamadda Soomaaliyeed, taas oo shacabkuna ay ku qanacsan yhihiin sida ay ugu adeegaan meel-walba oo ay joogaan. Isagoona ku dhiiri galiyay in sii labo jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

“Wada-shaqaynta maamulka gobolka Benaadir iyo ciidanka xasilinta Muqdisho waxay ka turjumaysaa dadaalka loogu jiro in la soo celiyo amaanka magaalda oo waayahan laga shaqeynaayay, shacabka Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaan faraynaa in la shaqeeyaan ciidanka,” ayuu yiri Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ciidanka u soo jeediyay in ay aad u ilaaliyaan shacabka ay amnigooda suagayan si wanagsan ay ula macaamilaan marka ay shaqada ku jiraan, si ay sacabku ugu kalsoonaadaan ciidamada ka dibno loo helo wadashaqay buuxda.

Ugu dambeyn, waxaa isagana goobta ka hadlay Duqa Muqdisho, C/raxmaan yariisoow oo kula dardaarmay ciidamada inay xoojiyaan ammaanka guud ee caasimadda, si looga hor-tago kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya, isla mar ahaantaana shacabka loo badbadiyo.

PUNTLAND POST