Madaxweynaha Jubbaland oo Addis Ababa kula kulmay C/kariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax

Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu xabsiga ku booqday C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo ahaa sarkaal ka tirsan Jabahadda ONLF, kaasoo bishii Ogoosto ee sannadkii hore ay Dowladda Federaalka Somalia u gacan-gelisay Xukuumadda Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in Dowladda Itoobiya uu kala hadlay sidii uu dib xoriyaddiisa ugu heli lahaa Qalbi-hagax, isla markaana loo sii deyn lahaa. Iyadoo wararku ay sheegayaan in Qalbi-dhagax lagu haayo guri ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Jabahadda ONLF ayaa dhawaan sheegtay in Dowladda Itoobiya ay shuruud ku xirtay in la sii daayo C/kariin Qalbi-dhagax, iyadoo u gacan-gelintiisa Itoobiya ay dhalisay shaki ay shacabka Soomaaliyeed durba ka qaadeen Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

C/kariin Qalib-dhagax ayaa laga qabtay Magaalada Gaalkacyo, kaddibna la keenay Muqdisho, loona dhoofiyay Itoobiya, iyadoo shir golaha wasiirrada Somalia ay yeesheen bishii September ee sannadkii hore ay ku taageereen go’aankaa, iyagoo ku tilmaamay Qalbi Dhagax iyo ururkiisa inay ahaayeen argagixiso.

Intaas kaddib Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabadii loogu gacan geliyay C/kariin Muuse [Qalbi-dhagax] Dowladda Itoobiya, iyagoo dalbaday in laga shaqeeyo sii dayntiisa.

Sidoo kale, Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in kulan kan oo kale ah uu xalay dhex-maray taliyihii hore ee Nabad-sugida Somalia ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, iyagoo lagu soo warramayo inay kawada hadleen dhiibistiisii iyo sidii loo sii dayn lahaa.

Dhanka kale, Qalbi-dhagax ayaa la sheegay inuu ka war-sugayo wixii kasoo baxa wadahadallada u socda Itoobiya iyo ONLF, wuxuuna dalbaday in lagu sii hayo inta go’aan laga gaarayo arrintiisa magaalada Addis Ababa.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa ka mid ahayd dhacdooyinkii saameynta lahaa ee ay taageerada ku weysay dowladda Somalia, iyadoo lagu cambaareeyay tallaabadii ay ugu gacan geliyeen Dowladda Itoobiya.

PUNTLAND POST