Dowladda Somalia oo doonaysa inay Amniga Muqdisho ku wareejiso ciidamo isku-dhaf ah

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay kormeer ugu tagay xarun Ciidan oo ku taalla Muqdisho, ayna ku sugnaayeen ciidammo isku dhaf ah oo isugu jira millitari, booliis iyo asluub.

Kormeerkan oo RW ku xigeenka dalka ay ku wehliyeen wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka asluubta Somalia, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo xubno kale, ayaa waxaa halkaas lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu soo bandhigayay ciidamadan.

Jen. Bashiir Goobe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradaan ciidanka ah ay kusoo biireen ciidamada Somalia, ayna astaan u yihiin jiilka cusub ee soo socda.

“Ujeeddada xafladan waxay tahay dhiiragelin loo sameynayo ciidamadaan, waxayna astaan u yihiin jiilka cusub ee soo socda, iyagoo diyaar u ah inay sugaan amniga caasimadda,” ayuu yiri jen. Bashiir Goobe.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia ayaa isna wuxuu sheegay in ciidamadan ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda amniga, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.

“Munaasabaddan walaaleynta ah ee isku xirka ciidanka xoogga Dalka waxay muujineysaa awood ciidan ee dalka, waxayna ciidankan diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka Muqdisho, waxayna ka hortagayaan nabad-diidka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ugu dambeyn, Amniga Muqdisho weli ma sugna, Al-shabaab ayaa kordhiyay dilalka ay u geysanayaan askarta iyo dadka kale ee la shaqeeya dowladda, laakiinse waxaa socda hawl-gallo amniga caasimadda lagu xaqiijinayo.

PUNTLAND POST