Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub

Brussels (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaaradda Yurub.

Mudane Kheyre ayaa masuuliyiinta ka socotay qaar kamid ah Jaaliyadaha Soomaaliya ee dalalka Yurub wuxuu la yeeshay kulamo kala duwan iyadoo qodobada looga hadlay ay u badnaayeen is xog-wareysi iyo sida Qurba-joogtu ay uga qayb-qaadan karaan horumarka balaaran ee ka socda gudaha Somalia.

Sidoo kale, Kulamada ayaa waxaa looga hadlay fatahaadaha ka jira qaybo ka mid ah dalka iyo sida gurmadka socda ay Qaybtooda uga qaadan lahaayeen jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Kulamada intii ay socdeen ayaa mas’uuliyiinta hogaaminaysay Qurba-joogta ay amaaneen dadaallada dowladda Federaalka ee ku aadan sidii Somalia ay usoo ceshan lahayd sharafka iyo karaamaha ay ku laheyd caalamka inteeda kale.

Ugu dambeyn, Qurbo-joogtu waxay xuseen inay gacan ka geysan doonaan gurmadka loogu jiro Gar-gaaridda Kumannaanka qoys ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobabka iyo wabiyada.

PUNTLAND POST