Kooxo hubeysan oo Shaqaale Kenyan ah ku Weeraray gobolka Waqooyi-bari ee Kenya

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar khasaare dhaliyay waxay ku qaadeen degaan ka tirsan Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dableydan ayaa weerarkooda waxay la eegteen shaqaale Kenyaati ah oo ka shaqeynayay cara-kaawada, kuwaasoo xilligaas saarnaa gaari iska Roge ah oo carro siday.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shimbir-faatuma ayaa Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganaya madaxa amniga gobolka wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha.

Khasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu gaarayo dhimashada afar qof oo shaqaalaha ka mid ahaa, kuwaasoo la sheegay in dilkooda looga adeegasaday qori iyo faas, waxaana dilka kaddib ay kooxdu ka baxsadeen halkii ay ka fuliyeen weerarkan.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa baahiyay goobta uu weerarka ka dhacay in loo diray tiro ka mid ah ciidamad amniga Kenya ka tirsan, kuwaasoo billaabay baadi goobaya dableyda falkan ka dambeysay.

Bishii December ee sannadkii 2014-kii weerar midkan oo kale ah oo gobolka waqooyi-bari ee Kenya ka dhacay ayaa lagula bartilmaameedsaday shaqaale ka shaqeynayay cara-kaawada, kaasoo lagu dilay 36-qof.

Dhanka kale, Macallimiinta wax ka dhigayay iskuullada ku yaalla Gobolkaas ayaa dhawaan ku dhawaaqay shaqo-joojin, kaddib markii ay kordheen weerarada Al-shabaabku ay la beegsanayaan macalimiinta.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya gaar ahaan laamaheeda Ammaanka ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weerarada Al-shabaab, maadaama ciidamada booliiska bishii lasoo dhaaftay ay gacanta kusoo dhigeen rag gacan-saar la lahaa Al-shabaab.

PUNTLAND POST