Dowladda Somalia oo ka hadashay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan Maanta

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.

03-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay ‘Hubinta Awoodda Maamulada’ Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaal-degyada Sannadkan 2018, waxay diiradda saarayaan muhiimadda abuuridda jawi sharcigu ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, iyo in si gaar ah loo tilmaamo doorka madaxa bannaan ee hey’adda sharciga si loo xaqiijiyo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda iyo soo oogidda dacwadaha la xiriira dambiyada lagula kaco saxafiyiinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda.

“Waxaan isbadal ku sameynay Sharciga Saxaafadda si aan u tixgalinno qodobo ay saxaafadda madaxa bannaan soo jeediyeen in laga badalo sharcigii jiray. Sharciga, ayaa hadda horyaalla baarlamaanka federaalka si loo ansixiyo kadibna madaxeynuhu u saxiixo, markaas kadib oo uu si rasmi ah sharci u noqonayo, Lana hirgalin doono. Waxay kaloo wasaaradda bishii April abuurtay nidaamka qaran ee badbaadada saxafiga, iyadoo sidoo kalena dhistay guddi qaran, oo ilaaliya badbaadada saxafiga. Hey’adaha cadaaladda, ayaa guddiga xubin ka ah si ay u taageeraan baahida sharciga ee saxaafadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dastuurkeeda ku damaanad qaadday Xoriyadda Saxaafadda,” ayuu Yoonis yiri.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xuseysaa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee 03-da May 2018, iyadoo si buuxda ula shaqeynaysa Ururka Qaranka ee Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo warbaahinta gaarka ah ee Soomaaliya si loogu xaqiijiyo in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay saxaafadda Soomaaliyeed, iyadoo damaanad qaadaysa xoriyadooda, isla markaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonta ilaalinta warbaahinta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay fulinaysaa baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah “Dowladaha Adduunku in ay xoojiyaan xoriyadda saxaafadda, ayna difaacaan saxafiyiinta. Dhiirigalinta xoriyadda saxaafadda, waxay ka dhigan tahay in aan helno xaqa aan u leenahay ogaanshaha runta.” Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.

PUNTLAND POST