Afhayeenkii Hore ee Baarlamaanka Somalia oo Xilkii Wareejiyay kana Hadlay Datuurka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliyeed, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha la doortay ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DF Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Villa Somalia oo hoy iyo xafiisyo u ah guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno badan oo baarlamaanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Prof. Jawaari oo xafladda xil-wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuusan jirin dastuur la xaday, wuxuuna nuqul ka mid ah dastuurka qabyada ah ee dalka ku wareejiyay afhayeenka cusub ee aqlka hoose ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa ku boorriyay guddoomiyaha cusub inuu hawsha halkii uu ugu yimid kasii wado, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay xubno badan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Hadal kooban oo uu jeediyay guddoomiyaha cusub ayuu ku sheegay inay ka go’an tahay inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuuna xusay inuu ku shaqeyn doono dastuurka dalka iyo xeerar hoosaadyada u yaalla baalamaanka Somalia.

Hadalka Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ee ku aaddan dastuurka la sheegay in la xaday oo uu beeniyay ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan la isla dhexmarayay in la xaday dastuurkii dalka ee la ansixiyay 2012-kii, taas oo walaac badan abuurtay, basle mar dambe la sheegay in la helay.

Dhanka kale, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa xilka ka dagay 12-kii bishii hore ee Abriil, kaddib markii uu la kulmay culeysyo badan, iyadoo lasoo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 30-kii bishii hore ee Abriil, isagoo ka adkaaday musharraxiin badan oo la tartamay.

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari ayaa ka guuraya wixii maanta ka dambeeya xarunta Villa Somalia halkaasoo hoy iyo xafiis shaqo u noqon doona Mursal oo dhawaan la doortay, mana jirin wax dhaarin ah oo guddoomiyaha cusub loo sameeyay maanta.

PUNTLAND POST