Xukuumadda Somalia oo lacag ugu deeqday dadka ay sameeyeen Fatahaada Baladweyne

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in Xukuumaddu FS ay Taakuleynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar [$1,000,000].

Mahdi Guuleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,” ayuu yiri ku simaha RW Somalia ahna RW ku xigeenka.

Dhanka kale, Dhawaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Xasan Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada, guddidaas oo uu gudoomiye u yahay RW ku xigeenka Somalia.

Sidoo kale, Yaboohan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor uu maamulka gobolka Banaadir sidan oo kale u sheegay in $100,000 uu ugu deeqay dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadaha Baladweyne ku dhuftay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Dorraad safar ku tagay degmada Baladwyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo halkaas ka ballan-qaaday inay Dowladda Federaala Somalia gacan siin doonto dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

PUNTLAND POST