Shir looga Hadlayo Amaanka Soomaaliya oo ka Billowday Maanta Magaalada Brussels

Brussels (PP) ─ Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ka bilaawday magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madax dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlayaa ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Somalia ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo ka mid ah xubnaha madasha shirka kusugan ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

“Kulankan waxaa looga hadlayaa ajandaha bixitaanka ciidamada AMISOM iyo sidii ay ciidamada Somalia ula wareegi lahaa amniga dalka, waxaana uu qorshahan socon doonaa muddo fog, mana ahan mid si dhaqso loo fulinayo,” ayuu yiri Cali Siciid Fiqi.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheye ayaa isla maanta la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Midawga Yurub, Federica Mogherini oo ay ka wada-hadleen xaaladda amni ee dalka iyo sidii Midawga Yurub ay gacan uga geysan lahaayeen qaabka Ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka ugala wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay AMISOM ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay si tartiib-tartiib ah uga baxayaan Somalia, isla markaana ay awoodda amni ee dalka ku wareejin doonaan ciidammada Somalia.

PUNTLADN POST