YARIISOW: Waxaan ka shaqeyn la’ahay Wasiiro iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Somalia

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa sheegay inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Inj. Yariisow oo muddo saddex bilood ah haya  xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in saddexdaas bilood ee uu xafiiska Gobolka joogay uu la tacaalayay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay uga adeegi la’ yihiin shacabka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in rag ay saaxiibbo yihiin oo isugu jira Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay xafiiskiisa yimaadaan, iyagoo shacabkii loo shaqeyn lahaa cariiriya.

“Runtii muddo saddex bilood ah ayay nagu qaatay si aan xal uga gaarno siyaasiyiin, xildhibaano iyo wasiirro danley ah oo xafiiskeyga soo buuxiya, taasoo keenay inaan u shaqeyn wayno bulshadii aan madaxda u ahaa, balse hadda xal ayaan ka gaaray oo waqti ayaan u sameeyay,” ayu yri gudoomiye Yariisow.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa ku eedeeyay xildhibaanno iyo wasiirro ay ugu yimaadaan sidii dad loogu fulin lahaa dano gaar ah taasna ay tahay mid aan xaq ahayn.

UGu dabeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in dhawaan uu ka joojiyay guddoomiye Yariisow lacago hotelo loogaga bixin jiray siyaasiyiin ku dhaw-dhaw madaxtooyada, haatanna lagu billaabay dacaayado wax loogu dhimayo shaqsiyadiisa, taasoo laga dareemayo shaqsiyaad aad ugu dhaw madaxda sare ee dalka.

Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka uu Warbaahinta siiyay Duqa Muqdisho;

PUNTLAND POST