Taliska AMISOM oo sheegay inuu ku Adkaaday Dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda Smalia ku sugan ay ku daaleen dagaalka ay kula jireen muddada tobanka sannadod ah ee ay Somalia ku sugan yihiin, sida uu qoray wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay afhayeenka hawl-galka AMISOM, Col. Richard Nyabuti Omwega oo war-fidyeenka kula hadlay Muqdisho, isagoo tilmaamay inay awooddii Al-shabaab hoos u dhigeen, waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna sii raaciyay inay weli cabsi ku hayaan amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Afhayeenka AMISOM u hadlay ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay isticmaalaan miinooyinka iyo inay gaystaan weeraro, isla markaana ay ku yihiin caqabad weyn horumarka Somalia tan iyo markii ay ku dhex-milmeen dadka rayidka ah.

Col. Richard Nyabuti Omwega wuxuu carrabka ku dhuftay inay AMISOM ku adag tahay sidii ay Kooxda Al-shabaab.kula dagaallami lahaayeen, isagoo ku daray hadalkiisa, inay adag tahay in laga adkaado Al-shabaab.

Dhanka Afhayeenka u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Qorshaha daad-gureynta Ciidamada AMISOM,  isgaoo xusay in waddan kasta oo ay ciiddamo ka joogaan Somalia looga baahan yahay inay tirada ciidamadooda yareeyaan sannadka marka uu yahay 2021-ka, xilligaasoo ciidanka AMISOM si kama-dambays ah looga saari doono Somalia oo dhan.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in 1,000 ka mdi Askarta AMISOM la dhimi doono bisha Oktoobar ee sannadkan, iyadoo horey bishii December ee sannadkii hore kun Askari laga saaray Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wuxuu Afhayeenku tilmaamay inay 21,000 oo Askari haatan hoos-tagaan hawgalka AMISOM ee Somalia, kuwaasoo ka kala socda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Kenya iyo Burundi iyo shaqaale kale oo ka kala yimid dalalka Masar, Nigeria, Ghana, Zimbabwe, Sierra Leone iyo kuwo kale.

PUNTLAND POST