Ciidankii uu tababaray Imaaraadka oo lagu wareejinayo Mareykanka si ay u sii…

Muqdisho (PP) ─ Ciidamadii ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in lagu wareejinayo Dowladda Mareykanka oo bixin doonta Qarashaadka iyo daryeelida ciidamadaas.

Warbixino dhinacyo kala duwan ka soo baxaya ayaa sheegaya in Qorshaha ciidamadan loogu wareejinayo Maraykanka uu marayo meel wanaagsan, iyadoo lagu dari doono ciidamada uu Mareykanku tababaray ee saldhigoodu yahay Balli-doogle.

Saraakiil ka tirsan ciidamadan ayaa laga soo xigtay in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, iyadoo laga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankaan loogu wareejin karo Mareykanka.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu dhaco klan arrintan looga hadlayo Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho, ayaa waxaa isku soo hor-fariisan doona saraakiisha sare ee ciidamada Imaaraadka ay tababareen oo hadda loo bixiyay guutada Daljir, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dalka Mareykanka ee wada qorshaha la wareegista ciidamadaan.

Sidoo kale, Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay soo jeedisay in loo helo dowlad bixisa mushaarka ciidamadan, maadaama Somalia hadda aysan ku filayn bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan maadaama inta badan mushaarka ciidanka waxaa bixiya dowlado shisheeye.

Ugu dambeyn, Dowlada Maraykanka ayaa gacanta ku haysa ciidammada ku jira saldhigga Balli-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, balse dhawaan ayaa saxaafadda caalamka waxay qoreen in hub laga xaday xarunta Jen. Gordon lagu iibinayo suuqyada Muqdisho.

PUNTLAND POST