Wareegii Koowaad ee Doorashada Guddoonka Cusub ee Baarlamanka oo lasoo Gunaanaday

Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhaw lasoo gaba-gabeeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia, taasoo billaabatay saakay, waxaana musharraxiintii ku tartamayay ay tiradoodu ahayd 10-xildhibaan, kaddib markii uu is-casilay Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashada aya waxay u gudbi doontaa wareegga labaad, kaddib markii la waayay musharrax hela codadkii looga baahnaa, waxaana musharraxiintan ugu cad-cad afar musharrax oo wareegga labaad ku tartami doona.

Markii lasoo Gunaanaday doorashada qaybteedii hore ayaa waxay xubnaha baarlmaanku aadeen salaad iyo qado, iyadoo goor-dhaw lagu wado inay billaabato wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka Somalia.

Haddaba, Musharraxiintii ku tartamay doorashada ee tobanka xubnood ahaa ayaa waxay codadka u kala heleen sidan;

  1. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo helay 83-cod
  2. Ibraahim Isaaq Yaroow oo helay 69-cod
  3. Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen oo helay 55-cod
  4. Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19-cod
  5. Cali Sheekh Maxamed Nuur oo helay 16-cod
  6. Saalim Caliyoow Ibroow oo helay 7-cod
  7. Maxamuud Macalin Yaxye oo helay 7-cod
  8. Shariif Sheekhuna Maye oo helay 5-cod
  9. Idris Cabdi Takhtar oo helay 3-cod
  10. Iimaan Cabdullaahi Maxamed oo helay 3-cod

Wareegga labaad ee cod-bixinta ayaa noqon doona mid adag iyadoo haddi lagu kala bixi waayo ay noqonayso in loo gudbo wareegga saddexaad oo ay ku tartami doonaan labada musharrax ee ugu codka badan.

Natiijooyinka doorashada socota waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda hadii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST