Murashaxiin ka baxay doorashada & Wareega Saddexaad ee Doorashada oo billowday

Muqdisho (PP) ─ Laba musharrax oo ka mid ah musharraxiintii u soo gudbay wareegga labaad ee doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka  Somalia ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tartanka wareegga labaad ee doorashada.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 16-cod iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo isna helay 55-cod ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen inay sii tartamaan, iyagoo u mahad-celiyay xildhibaanadii codkooda siiyay iyo kuwii aan siin.

“Kursiga guddoomiyaha baarlamaanka waa mid u baahan mas’uuliyad weyn; isla markaana loo baahan yahay inuu qabo mas’uul aqoon iyo karti leh, waayo waa kursiga meteli kara xilka madaxweynaha Somalia, waayo wax walba ayaa dhici kara,” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka hadlay goobta.

Sidoo kale, C/casiis Lafta-gareen oo aan hadalka badin ayaa sheegay inuu u rajeynayo in guddoomiye hoggaamin kara baarlamaanka uu maanta soo baxo, wuxuuna xildhibaannada ku boorriyay inay waajibkooda gutaan.

Intaas kaddib Guddoomiye ku xigeenka Aqalka hoos ee Baarlamaanka, ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim oo ka hadlay fadhiga ayaa sheegay in loo gudbay wareeggii saddexaad, isla mar ahaantaan ay labada musharrax ee tanaasulay u fududeeyeen hawsha.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ku tartami doona labada musharrax ee kala ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo helay 83-cod iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo isna helay 69-cod.

Ugu dambeyn, wareeggan ayaa wuxuu noqon doonaa midka ugu adag ee doorashada, iyadoo musharraxii kusoo baxa uu bedeli doono guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Jawaari oo is-casilay kaddib cadaadis la saaray.

PUNTLAND POST