Mudane Maxamed Mursal oo ku Guuleystay Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo maanta ka dhacday xarunta baarlaaanka DF ee Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa 10-kii musharrax oo u tartamay xilkan.

Mursal ayaa helay 147-cod, halka musharraxii la tartamayay Ibraahim Isaaq Yaroow uu isna helay 118-cod, kaddib markii ay ku tartmeen wareeggii ugu dabeeyay ee doorashada oo ahayd wareeggii saddexaad.

Xildhibaannadii codadkooda dhiibtay ayaa waxay ahaayeen 266 xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka, iyadoo doorashada kaddib ay xildhibaannada la haleen labadii musharrax ee ku tartamay doorashadii ugu dambeysay.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu si wanaagsan u hoggaamin doono golaha inta uu xilka hayo, isla markaana ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo inuu hawl wanaagsan qabto baarlamaanka.

“Waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo cadaalad, waxaana idiin xaqiijinayaa inaan ku shaqeyn doono qodobbadii aan baarlmaanka ka sheegay markii aan u tartamayay xilka,” ayuu yiri Mursal.

Sidoo kale, Xildhibaan  Ibraahim Yaroow oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay codeynta iyo natiijada kasoo baxday, uuna la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka loo doortay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu bedeli doonaa guddoomiyihii xilka iska casilay Prof. Maxamed Sh. Cimsaan Jawaari oo cadaadis kaddib lagu qasbay inuu is-casilay.

PUNTLAND POST