Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka oo maanta dhacaysa iyo Amniga oo la Adkeeyay

Muqdisho (PP) ─ Maanta oo Isniin ah Taariikhduna tahay 30-ka bisha Abriil, 2018-ka, Waxaa Muqdisho ka dhacaysa doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, kursigaasoo ay u tartamayaan in ka badan 10-musharax.

Waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta baarlmaaanka Soomaaliya ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo ciidammo fara badan oo ah kuwa ammaanka dowladda, waxaana isgoysyada qaarkood yaalla gaadiidka dagaalka ee ay ciidamadu isticmaalaan.

Sidoo kale, Tan iyo xalay lagama seexan guryaha iyo hoteellada ay deggen yihiin musharraxiinta xilka ku tartamaya, iyadoo musharrax walba uu xildhibaannada weydiisanayay codadkooda, codadka qaarkoodna la kala iibsanayay.

Musharrax walba oo ka mid ah kuwa u tartamaya xilka guddoomyaha cusub ee baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu doonayaa inuu kusoo baxo doorashada, inkastoo ay jiraa musharraxiin la kala wato, kuwaasoo la doonayo inay jagadan kusoo baxaan.

Xukuumadda Somalia ayaa la sheegay inay wadato musharrax Maxamed Mursal oo horay u ahaa wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia, halka xildhibaannada mucaraadka ku ah xukuumaddana ay wataan mudane Ibraahim Isaaq Yaroow oo isna iska soo casilay xil wasiir-u-dowle.

Inkastoo aan la saadaalin karin musharraxa kursigan kusoo baxaya, ayaa haddana waxay doorashadu noqon doontaa mid adag oo dhawr wareeg mari doonta, haddii aan la helin musharrax wareegga koowaad hela codadka loo baahan yahay oo ah saddex-meelood-laba-meelood [3/2].

Haddaba, Musharraxiinta xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somalia u taramaya oo tiradoodu tahay 11-musharrax ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin;

  1. Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan
  2. Ibraahim Isaaq Yaroow
  3. Idiris Cabdi Dakhtar
  4. Cali Sheekh Maxamed Nuur
  5. C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen]
  6. Saalim Caliyoow Ibroow
  7. Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe]
  8. Dr. Shariif Sheekhunaa Maye
  9. Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen
  10. Maxamuud Macallin Yaxye
  11. Imaan Cabdullaahi Cali

Ugu dambeyn, wixii kasoo kordha doorashada iyo natiijadeeda waxaad kala socon doontaan Shabakadda Puntlandpost.net haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST