Xulka Somalia ee 17-jirka ka yar oo Galabta looga adkaaday Cayaartii Fiinaal-ka ahayd

Muqdisho (PP) ─ Xulka Somalia ee da’adoodu ka yar tahay 17-jirka ayaa galabta looga badiyay cayaartii kama dambeysta ahayd ee ay la yeesheen dhiggooda dalka Tanzania.

Cayaartan oo ka dhacaysay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbuara ayaa looga adkaaday Somalia 2-0, inkastoo cayaartoyada Somalia ay sameeyeen isku dayo badan oo gool loo filan karay.

Goolka koowaad ayaa waxaa laga dhaliyay xulka Somalia qaybtii hore ee cayaarta, halka goolka labaadna laga dhaliyay qaybtii dambe ee cayaarta, taasoo si weyn uga careysiisay taageerayaasha xulka Soomaaliya.

Wafdi ka socday Dowladda Somalia ayaa cayaartan ka qayb-galay, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Guuleed, iyadoo sidoo kalena uu goobjoog ahaa Duqii Hore ee Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed.

Xulka Somalia oo dadaal badan iyo cayaar wanaag muujiyay ayaa waxaa ka hiilyay waqtiga, inkastoo ay dhawr jeer isku dayeen inay shabaqa kooxda ay la cayaarayeen kubadda taabsiiyaan, balse uma suuro-gelin.

Dhanka kale, Waxaa jiray gool uu xulka kubadda cagta Somalia dhaliyay, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid khalad ah, isla waxaana taasi ay si weyn uga careysiisay xulka Somalia oo ku dooday in goolku sax ahaa.

Ugu dambeyn, Xulka Somalia ayaa wuxuu galayaa kaalinta labaad ee cayaarihii Koobka bariga iyo bartamaha Afrika, waana markii ugu horreysay oo uu heerkaan yimaado xulka kubadda cagta Somalia ee da’doodu ka yar tahay 17-jirka.

PUNTLAND POST