Wufuud Bujumbura u Tagay ka Qayb-galka Cayaarta Finalka ee Soomaaliya iyo Tanzania

Muqdisho (PP) ─ Wafdi ka socda Dowladda Somalia ayaa gaaray xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, si ay uga qayb-galaan daawashada cayaarta kama-dambeysta ah [FINAL] ee maanta ku dhex-mari doonta Bujumbura xulka Qaranka 17-jirrada Somalia iyo dhiggooda Tanzania.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka u dhoofay Bujumbura, si ay cayaartoyda Qaranka Soomaaliya gu dhiiri-geliyaan inay guulo kasoo hoyaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu waday inuu u ambabaxo Bujumbura ayaa ka baaqday, sida ay sheegayaan ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada, Waxaana Xukuumaddu ay dirtay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka dibadiisa ayaa ku qulqulaya magaalada Bujumbura, si ay taageero ugu muujiyaan ciyaartoyda 17-jirrada ee cayaarta kama-dambeysta ah kula ballansan xulka Tanzania.

Wufuudda gaartay Magaalada Bujumbura waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo iskiis isku xil-qaamay si uu u taageero xulka 17-jirrada Somalia.

Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajeynaya in cayaartoyda 17-jirada ee xulka Qaranka Somalia ay ku guuleystaan koobkan, isla markaana ay Muqdisho keenaan iyagoo wada koobka.

PUNTLAND POST