DAAWO-TOOS: Cayaarta Final-ka ee Burundi ku dhex-maraysa Xulalka Somalia iyo Tanzania

Bujumbura (PP) ─ Halkan hoose ka daawo finalka cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, taasoo magaalada Bujumbura ku dhex-maraysa Xulalka da’adoodu ka yar tahay 17-sano jirka, waxaana cayaarta oo marii hore loo joojiyay roob dartiis mar kale dib loo billaabay.

Cayaarta oo qaybteedii hore ay soo dhammaatay, ayaa waxaa 1-0 ku hoggaaminaya xulka ka socda waddanka Tanzania, iyadoo xulka Somalia aysan wax gool ah dhalin, balse ay soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay  daawadayaasha cayaarta.

Labada Xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badan, waxaana la ogaan doonaa cidda qaadi doonta koobka, iyadoo qaybtii labaad ee cayaarta ay hadda dib u billaabatay.

Halkan TOOS uga daawo cayaarta dhexmaraysa Somalia iyo Tanzania;