Musharaxiinta u Tartamaya Gudoomiyaha BFS oo Muqdisho kawada Ololihii ugu dambeeyay

Muqdisho (PP) ─ Ololayaashii u dambeeyay ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka socda Muqdisho, kuwaasoo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo tan iyo xalay ay socdeen kualmmo gaar-gaar ah.

Caawa ayaa la filayaa inay Muqdisho marti-geliso ololayaashii ugu badnaa ee ka dhaca muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ay musharraxiintu kaga dal-banayaan xildhibaannada inay codkooda siiyaan, iyadoo musharrax walba uu u xusul-duubayo sidii uu ku guuleysan lahaa.

Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah 11 ayaa kuwooda ugu cad-cad waxay kala yihiin; Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Lafta-gareen, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xaaji Cali.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay doonayso in doorashadan uu kusoo baxo musharraxa ay wataan oo ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga DF.

Dhanka kale, Musharraxiintii taageersanaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabk Somaila, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa doonaya inuu xilkan ku guuleysto xildhibaanka ay wataan oo ah; Ibraahim Isaaq Yaroow.

Ugu dambeyn, Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Musharax kasta oo Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono, marka loo eego taariikho horay u dhacay oo Musharaxiin dowladda wadatay.

PUNTLAND POST