Dowladda Imaaraadka Carabta oo hakisay hawlihii safaaradeedu ay ka waday Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si KMG ah u hakisay hawlihii dublamaasiyadeed ee safaaraddeedu ay ka wadday Muqdisho, taas oo la sheegay inay hakad ku jiraan tan iyo inta laga xallinayo xiisadda kala dhexeysa Dowladda Somalia.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xukuumadda Imaaraadku ay dalka kala baxday qaar ka mid ah dublamaasiyiinteedii ka hawl-galayay safaraadda ay ku leedahay Muqdisho.

Dubalamaasiyiinta Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Dalka ay ka maqnaan doonaan maqnaanayaan illaa muddo aan la cayimin, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli dhawaan ay dowladda Imaaraadku sheegtay inay hakisay dhammaan tababarrradii ay siin jirtay ciidamada Somalia, isla markaana ay qalabkeedii ka raratay caasimadda  Somalia.

Sidoo kale, Hakinta hawlaha safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, iyadoo tani ay salka ku hayso khilaafka labada waddan u dhexeeya.

Tallaabada ay qaadatay Dolwadda Imaaraadka Carabta ayaa imaanaya xilli ay weli shaqeynayso safaaraddii Somalia ay ku lahayd dalka Imaaraadka oo dhawwaan safiirkeedii la bedlay.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaan ka hadlin xirtaanka safaraaddii ay ku lahayd Imaaraadku Muqdisho, waxaana safaraaddan ay shaeynayso muddo sannado ah, waana markii ugu horreysay oo lagu dhawaaqo in shaqadeedii la hakiyay.

Ugu dambeyn, Khilaafkii u dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo Somalia ayaa hawada isku sii shareeraya, iyadoo aan la ogeyn qaabka lagu xallin doono, inkastoo horay loo sheegay in labada dowladood uu wadahadl u socdo.

PUNTLAND POST