Sarkaal Soomaali ah oo kaalinta koowaad ka galay Saraakiil lagu Tababaray Suudaan

Khartuum (PP) ─ Magaalada Khaartuum ee Dalka Sudan  ayaa waxaa lagu qabtay Munaasbaada tababar loogu soo xirayay dhallinyaro Soomaali ah oo in muddo ah uu tababar uga socday dalka Suudaan.

Xafladdan waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-bshiir, kumannaan Somali ah iyo marti-sharaf kale, iyadoo saraakiishan loo soo xiray tababarka uu tababarku ku socday muddo laba sano ah.

Saraakiil ka tirsan kuwii tababarkaas kasoo qayb-galay ayaa warbaahinta u sheegay in askartan Soomaaliyeed la barayay muddadii uu tababbarku uga socday Suudaan casharro la xiriira Sharciga iyo Qaanuunka.

Kaalinta Koowaad ee tababarkan ayaa waxaa galay sarkaal lagu magacaabo, Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah Saraakiishii Tababbarkan loo soo xiray, iyadoo madaxweynaha Sudan uu billad-sharaf Guddoonsiyay Cumar Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Sudan oo goobta ka hadlay ayaa dhallinyaradaan Soomaaliyeed ku ammaanay xirfadaha ay barteen iyo tayadooda, wuxuuna kula dardaarmay inay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan aqoontii ay ku barteen dalkiisa.

Dhanka kale, Saraakiisha Tababarka la siinayay ayaa isugu jireen Soomaali, Suudaan iyo Urdun, iyadoo sarkaalkan Soomaaliga ah ee Cumar Xasan uu ka galay kaalinta koowaad dhammaan askartii tababarka dhameystay.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo saraakiil Somali ay tababar kusoo qaataan dalka Sudan, balse waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu ka qaybgalo qalin-jabintooda madaxweynaha Suudaan.

PUNTLAND POST