Ciidammo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo bur-buriyay Saldhigyo ay lahayd Al-shabaab

Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo Dulleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in ciidammo isugu jiro Kenyan, Mareykan iyo kuwa Jubbaland ay bur-buriyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Deegaanka Sanguuni oo Qiyaastii 45-km u jira Kismaayo.

Saraakiisha ciidanka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 30 xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kalana ay la wareegeen agab ciidan oo fara badan.

Hawl-galkan oo ay hor-kacayaan ciidammo caddaan ah ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxay ka wadeen deegaannada dhaca duleedka Kismaayo, kuwaasoo ay Al-shabaab weerarrada kasoo qaadi jireen.

Sidoo kale, Weerarkii ugu dambeeyay ee ciidammadan hawl-galka wada lala beegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Buula-gaduud, oo Al-shabaab ay ku sheegteen inay ciidamada ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan shaacin khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Warar qaar ayaa sheegaya in maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ay sameeyeen ciidamada Mareykanka, Kenyaanka iyo kuwa Jubbaland, kaasoo la sheegay inuu qorshihiisu yahay sidii Al-shabaab ay ugu saari lahaayeen Deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale, Meelaha ugu badan ay seddexdan ciidan ee is-kaashanaya ay ka fuliyeen hawl-galada ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Buulo-gaduud, Cabdalla-biroole iyo tuulooyin duleedka Magaalada Kismaayo ku yaalla.

Ugu dambeyn, Gobalka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ka mid yahay meelaha inta badan deegaannadooda ay ku dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidammo Mareynkanka iyo Kenyaan ah.

PUNTLAND POST