Xukuumadda Soomaaliya oo baaraysa Heshiis Qarshoodi ah oo lala galay Shirkadda SKA

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa baaritaan ballaaran ku sameyneysa shirkada SKA ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in heshiisyo qarsoodi ah la galeyn shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka Somalia.

Shirkaddan ayaa sida wararka qaar ay Tilmaamayaan waxaa heshiis la galay mas`uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada Somalia, kaasoo lagu sheegay ahayn mid waafaqsan hab-raaca Dowliga ah ee ay dajisay Wasaarada Maaliyadda.

“Heshiiska noocan oo kala ah oo aan Waafaqsaneen Hab-raaca iibka Qaran waa mid wax kama jiraan ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Dulaace Beyle.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri. ”Dowladda Soomaaliya waxay billowday baaritaan ku aadan heshiiskaan sida uu ku yimid iyo habraaca loo maray.”

Ugu dambeyn, Bayaankan ayaa lagu sheegay in natiijada kasoo baxda la hor keeni doono shirka ugu horreeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Somalia.

Haddaba, AKHRISO; Bayaanka kasoo baxa Xukuumadda Somalia;

PUNTLAND POST