Waa imisa Tirada Hubkii laga boobay Xerada Jen. Gordan ee lagu iibinayo Muqdisho?

Muqdisho (PP) ─ Wararka ayaa sheegaya in 600 oo Qori boobay xaruntii Tababarka ciidamada ee Imaaraadku uu ku lahaa Muqdisho maalmo uun kaddib markii Tababarayaashii Imaaraadku ay ka baxeen dalka, sidoo kalena la laalay heshiiskii labada dowladood ka dhaxeeyay.

Warkan oo ay si gaar ah u faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku daray intaas in hubka lagu kala iibsanayo suuqaqa Muqdisho si qiimo jaban ah.

Halkii qori oo ah nooca Kalashnikov ama AK-47, ayaa la kala siisanayaa illaa 700 oo doolar, halka qiimihiisa caadiga ah uu yahay 1300 oo doolar. Iyadoo qoryahan ay ku xardhan yihiin astaanta ciidanka xoogga Soomaaliya, balse hubka waxaa dalka keenay Imaaraatka sida ay sheegeen illo wareedyo u waramay wakaaladda.

isniintii lasoo dhaafay ayuu iska-hor-imaad culusi ka dhacay xaruntaas, dad goobjoogayaal ah ayaa waxay inay arkayeen askartii tabobarka ku jirtay oo dareeska iska siibaya, kaddibna qoryaha lasii baxsanaya iyagoo isticmaalaya bajaaj.

Sidoo kale, Ciidamada Illaalada Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inay markii dambe la wareegeen xarunta, xilligaasoo uu dagaalkii dhammaaday, wixii xerada lagala bixi karayna lagala baxay.

Dhanka kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa raratay qalab badan oo ka yaallay Muqdisho, Waxayna joojiyeen barnaamijkii Tababbarka ciidamada kaddib markii Dowladda Federaalka ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag Malaayiin Doollar ah oo ay Imaaraadku sheegeen in loo waday ciidamada Tababbarka ku jiray.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hubkan la boobay, lamana oga halista uu u geysan karo amniga caasimadda oo markii horeba lala tacaalayay.

PUNTLAND POST