Turkiga oo Booliiska Kenya u Tababaraya sida looga Hor-tagga Falal-dambiyeedyada

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Turkiga ayaa Qorshaynaysa inay Tababarro dhinacyo badan leh siiso saraakiil ka tirsan Boliiska Kenya, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan hay’adda samafalka Turkiga ee TIKA.

Saraakiishan oo aan tiradood la shaacin ayaa loo carbinayaa la-dagaalanka dambiyada cul-culus iyo argagixisada.

Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Qaar ka mid ah saraakiisha booliska Kenya, kuwaasoo ka hadlay sidii loo dar-dar-gelin lahaa tababarkan.

Sidoo kale, Wafdigan Turkiga ayaa Kenya joogi doona muddo afar maalmood ah, waxayna kormeeri doonaan dugsiga uu tababarku ka dhacayo iyo sidoo kale baahiyaha halkaas ka jira.

Qoraal ay soo saartay hay’adda TIKA, ayaa lagu sheegay inuu Tababbarkan uu yahay mid caalami ah, kaasoo lagu bixinayo koorsooyinka aasaasiga ah ee howlaha sirdoonka, marista waddooyinka, la-dagaallanka argagixisada, difaacidda falalka abaabulan, toogashada farsamaysan, xadista gaadiidka, ilaalinta madaxda, tababarka booliiska iyo kuwo kale.

Dhanka kale, Saraakiisha booliska Kenya ayaa ugu mahad-celiyay shacabka iyo xukuumadda Turkiga caawinta ay la garab-taagan tahay dowladdooda, gaar ahaan la tacaalidda falal-dambiyeedyada ay geystaan kooxaha gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

Ugu dambeyn, Hay’adda TIKA ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa hawlo samafal ah ka wada Soomaaliya, taasoo wax badan ka qabatay arrimaha bini’aadamnimada iyo waxbarashada.

PUNTLAND POST