Shir looga hadlay Amniga guud ee dalka iyo bixitaanka AMISOM oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia iyo Beesha Calaamka ayaa Muqdisho ku yeeshay maanta kulan looga hadlay mniga guud ee dalka oo daba socday midkii London lagu qabtay bishii May, kaasoo ay ka soo qayb-galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ee shirkaan ka Qayb-galay waxaa ka mid ah; Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madera iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar.

Qodobbada shirkan diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa u diyaar-garowga shirka Todobaadka soo socda lagu qaban doono xarunta Belgium-ka ee Brussels, kaasoo looga hadli doono Waqtiga kala-guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidanka DF ay ula wareegi lahaayeen Amniga waddanka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, Wakiillo matalaya Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.

Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay ujeedada in ay tahay in la ogaado baahida ay qabaan Ciidamada iyo sidiii loo siin lahaa Sahnad Millitari oo ku filan.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ay booqdeen xubno ka socda Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka, waxaana loogu kuurgalay sidii Wasaaradda Dhalinyarada ay ula wareegi laheyd Garoonka marka ay AMISOM ka baxaan.

PUNTLAND POST