Dowlada Itoobiya oo sheegtay inay doonayso in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia

Addis Ababa (PP) ─ Itoobiya waxay doonaysaa in ciidamada ka socda dalalka Afrika ee ku sugna Somalia [AMISOM] ay sii joogaan Somalia, sidaas waxaa Wariyeyaasha Addis Ababa ugu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya

Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanayaa iyadoo uu Madaxa AMISOM, Francesco Madeira maanta Muqdisho sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia la dhimayo, isagoo xusay in ciidanka Somalia ay awoodoodu soo xoogeysanayso.

“Waxaan Itoobiya ahaan soo jeedinaynaa in ciidamada AMISOM ay Somalia sii joogaan, tan iyo inta awoodda Al-shabaab la wiiqayo,” ayuu suxufiyiinta u sheegay Meles Alem oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Ururka Midowga Afrika ayaa horay ugu baaqay in si tartiib-tartiib ah Somalia looga saaro ciidamadooda, iyadoo mas’uuliyadda amaanka lagu wareejinayo ciidamada Dowladda Somalia oo haatan dhisme lagu wado.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qayb ka yihiin in ka badan 22,000 oo Askari o ka socda dalalka Afrika oo ay ku jiraan kuwa dariska ah oo Soomaaliya ku sugan si ay dowladda Somalia uga caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab.

“Waxaanu qabnaa in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya illaa inta ay Al-shabaab ka noqonayso koox awoodeedu liidato, isla markaana aan ku ahayn khatar Somalia iyo waddamada gobolka,” ayuu Meles Alem hadalkiisa ku daray.

Kooxda Al-shabaab ayaa weli awood buuxda u leh inay fuliso Qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo Qaraxii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa midkii ka dhacay Muqdisho 14-kii bihsii Oktoobar ee sannadkii hore, kaasoo lagu dilay in ka badan 500-qof oo shacab ahaa.

Ugu dambeyn, Hawlgalka AMISOM oo ka billowday Somalia Sannadkii 2007-dii ayaa waxaa lagu wadaa in si tartiib-tartiib ah looga saaro Somalia, iyadoo weli ay Al-shabaab awood u leedahay inay weerarro geysato.

PUNTLAND POST