Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo Maanta lagu Xukumay Shan Sano oo Xabsi ah

Hargeysa (PP) ─ Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ku xukuntay maanta shan sano oo xabsi ah Boqor Cismaan Maxamuud oo loo yaqaan Buur-madow, kaddib markii hadallo dhan ka ah Somaliland lagu soo eedeeyay.

Boqor Buur-madow ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa, kaddib markii uu degmada Carmo ee Puntland kaga qayb galay xaflad dhaqameed lagu caleemo saarayey beel-daajaha deegaankaasi.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Maxamed Aadan, ayaa sheegay in Boqor Buur-madow lagu helay saddex dambi oo kala ah:

  1. Jeedinta hadallo dhaaawac ku ah madax-bannaanida Somaliland oo uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday Puntland,
  2. Gaf ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland oo lagu eedeeyay inuu sheegay inuu wakiil uga ahaa munaasabaddaasi
  3. Aflagaaddo iyo xaqiraad ka dhan ah maxkamadda oo sida la sheegay uu maanta garsoorihii maxkamadda dacwaddiisa dhageysanayay uu ku yiri “sheeg waa laguu soo dhiibay xukunka ee waxa la igu xukumaayo”.

Sidoo kale, Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa sheegtay in boqorka uu diiday in uu la yimaado qareenkiisa, isla markaana xukunka lagu riday uu yahay mid uu rafcaan ka qaadan karo.

Xildhibaan Ibrahim Caraale Ruush oo damiintay boqorka ka hor xukunkiisan maanta, isla markaan goobjoog ka ahaa xukunka ayaa sheegay in xukunka maanta dhacay uu yahay mid aan ku fiicnayn Dowladnimada iyo Madax-bannaanida garsoorka Somaliland, isla markaana aan loo ogolaan Boqorka inuu is-difaaco.

Dhanka kale, bishii Maarso ee sanadkii 2012-kii ayaa Boqor Buur-madow waxay booliska Somaliland ka qabteen garoonka dayuuradaha ee Hargeysa, isagoo xilligaas ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, inkastoo markii dambe la sii daayay.

Ugu dambeyn, Tallaabadan lagu xukumay Boqor Buur-madow ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay maxkamadda Hargeysan sidan oo kale xukun dhawr sano ah ay ugu riday abwaanad Naciimo Qorane oo lagu eedeeyay inay booqatay Muqdisho, isla markaana ay sheegtay hadallo aan u cuntamayn Somaliland.

PUNTLAND POST