Culummada Soomaaliyeed oo Dingiin kasoo Saaray Bandhig lagu Qabanayo Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa digniin kasoo saartay bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho, iyadoo ku baaqday in la joojiyo bandhiggaas.

Shir jaraa’id oo Culummadu ay Maanta ay ku qabteen Magaalada Muqdisho ayay sheegeen in yahay Bandhig faneedkaas uu fasaad iyo halis ku socota Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culummada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka hor-tagto bandhig faneedkaas.

“Hay’adda Culummada, waxay caddeynaysaa in kuwa waxaas abaabulaya ay yihiin kuwa halis ku ah Diinta iyo Dalka, isla markaana fidinaya fuxshi iyo fisqi, Ummaddana u horseedaya halaag adduun iyo cadaab aakhiro,” ayaa lagu yiri bayaan ay culummadu soo saareen.

Sidoo kale, Hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa mas’uuliyiinta Dalka uga digtay arrimaha marin habaabinaya bulshada Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday in arrintaan si degdeg ah wax looga qabto.

Ugu dambeyn, Waxaa Muqdisho yimid fannaaniin qurbe-joog ah, kuwaasoo wada abaabul bandhig faneed lacag ah oo lagu qabanayo qaar ka mid ah hoteellada Muqdisho.

PUNTLAND POST