FARMAAJO: Jawaariyoow Anigoo dadku i jecel yihiin ayaan xilka iska-casilay wuxuu Alle…

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan sagootin ahaa Muqdisho ugu sameeyay, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay is-casilaadiisii sanadkii 2011-kii, markaasoo uu dalka ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Farmaajo oo xafladda ka hadlayay ayaa yiri. “Jawaariyoow annigaa horay u soo tanaasulay iyadoo dadku ay i jecel yihiin oo la i leeyahay ha tanaasulin, wuxuu Alle iigu beddelayna waad aragtaa.”

Hadalka madaxweynaha oo u muuqday mid uu niyada ugu dajinayay Jawaari oo todobaadkan xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iska casilay, kaddib markii uu cadaadis badan kala kulmay xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre iyo Madaxtooyada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiye Jawaari ku ammaanay waxqabad iyo khibrad, wuxuuna ka codsaday inuu Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisa kala duwan uu lasii shaqeeyo, maadaama aan laga maarmin khibradiisa.

Dowladda uu Hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku caan baxday in xilalka laga qaado mas’uuliyiinta ugu waxqabadka badan Dowladda, kadibna lagu amaano shaqadii ay hayeen.

Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa ka sheegay khudbaddii uu isku-casilay ee uu ka jeediyay baarlamaanka in wax u muuqda awood sheegad siyaasadeed darted uu xilka isaga casilay, balse aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu ku qaatay inuu xilka banneeyo.

DAAWO; Muuqaalka hadalkii uu Madaxweynuhu ka jeediyay Xafladda;

 

PUNTLAND POST