Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay galabta Garoon ku yaalla Baraawe

Baraawe (PP) ─ Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax ka dhacay garoon kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla demada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa, balse wararka laga helayo degmadaas ayaa sheegaya in shacab badan ay ku sugnaayeen garoonka xilligii uu qaraxan dhacayay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baraawe ayaa sheegay in cayaarta lagu weeraray qaraxa ay ahayd sami-final ay ku loolamayeen laba kooxood oo ka mid ah kooxaha degmada ka dhisan oo dhawaanahan uu tartan kubadda cagta ah u socday.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Baraawe, Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ay meesha ku duugtay Kooxda Al-shabaab oo ugu yeeray koox cadwo ah .

“Qaraxu wuxuu dhacay abbaare 5:00 galabnimo ee maanta, wuxuuna ahaa mid garoonka lagu sii duugay, waxaana ku dhintay afar qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, lix ka mid ahna waxaa la dhigay isbitaalka weyn ee Baraawe,” ayuu hadalkiisa ku daray Bashiir Maxamed.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in garoonka ay ku sugnaayeen saddex meelood laba meel shacabka ku nool degmada Baraawe si ay cayaarta u daawadaan, balse nasiib-darro qaraxan ayaa dhacay.

“Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan waxay isugu jireen shacabka iyo dhallinyaradii cayaaraysay, runtiina dhibaato weyn ayay tani u ahayd shacabka iyo maamulka degmada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab oo lagu eedeeyay qaraxan ayaa iyadu ka hadlin weli qaraxan la sheegay inay mas’uulka ka yihiin, waxaana la sheegay in xaaladda degmada Baraawe ay caawa tahay mid kacsan.

PUNTLAND POST