JAWAARI oo sheegay inuu is casilay kaddib markii uu arkay wax u eg cudud sheegasho

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta xilkii iska casilay ayaa sheegay in dhawr arrimood ay sabab u tahay inuu xilka iska-casilo.

Jawaari ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo uu ku bedeshay inuu xilka iska casilo, isagoo ka jawaabayay warar dhawaanahan lagu baahinayay baraha bulshada ee ahaa inuu lacag ku qaatay inuu is-casilo.

“Ma jiro wax dhaqaale ah oo aan dowladda iyo dalal shisheeye kaga qaatay inaan xilka iska-casilo, balse go’aakeyga waa mid aan u arkay xal in looga gaaro muranka taagan,” ayuu Jawaari ku yiri khudbaddiisa.

Sidoo kale, mar uu soo hadal-qaaday sababta ka dambeysa inuu iska-casilo ayuu sheegay inay ugu muhiimsan yihiin; Waxaan doorbiday inaan ka mid noqdo xallinta asmada siyaasadeed ee ka aloosantay mooshinka, isla mar ahaantaana aan ka mid noqdo xal-u-helidda mushkiladda.

Wuxuu kaloo sheegay in sababta uu isku casilay ay ka mid ahayd inuusan burbur lasoo gudboonaan baarlamaanka federaalka oo uu xusay inuu qayb ka ahaa dhismihiisa iyo hawsha wanaagsan ee uu qabtay intii uu jiray.

“Markii aan arkay buu yiri wax u eg cudud sheegasho waxaa si dhaw iigu muuqatay in haddii ay sii socoto kala aragti duwanaashaheenna ay sababi karto in la isku dhaawaco ama uu dhiig daato, sidaa daraadeed ma ogolaan karo in daraadey uu qof dhaawac u gaaro,” ayuu Prof. Jawaari ku sheegay khudbaddii uu baarlamaanka ka jeediyay.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay inuu garwaaqsaday talooyinka shacabka iyo xubnaha baarlamaanka uga imaanayay, isla markaana uu weligiiba ku fikiri jiray inuu ka shaqeeyo dhisidda dowladnimada Somalia iyo sugidda amniga dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xilka ka dagay ayaa muddo dhawr toddobaad ah kala kulmayay culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanayay xukuumadda iyo madaxtooyada, kuwaasoo ugu dambeyn ku qasbay inuu xilka ka dago.

PUNTLAND POST