AKHRISO: Gudoomiye Jawaari oo khudbaddii uu isku casliayay ka jeedinaya Golaha Shacabka

Muqdisho (PP) ─ Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goor dhow bilaabay khudbadiisa is-tiqaalada, isagoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo uu si rasmi ah u sheego inuu xilka banneeyay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay ama laga guuleystay, isagoo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen, iyo sarreynta sharciga.

Sidoo kale, Khudbaddiisa oo si toos looga daawanayay Telefishinada Qaar ayaa waxaa uu uga hadlayaa waxqabadkiisa, mudadii shantai sano ahayd ee uu xilka hayay, waxaana markii uu khudbada bilaabay is qabsaday sacab.

Dhanka kale, Mudane Jawaari ayaa wuxuu ka mid noqonayaa wixii hadda ka dambeeyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo laga sugayo inuu baarlamaanku muddo laba toddobaad ah doorto guddoomiye cusub.

Haddaba AKHRISO khudbadda Jawaari uu ka jeedinayo Baarlamaanka;


PUNTLAND POST