Gudoomiye Jawaari oo Gudoominaya kulanka uu isku-casilayo ee berri ka dhacaya Xamar

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha is-casilaya ee Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa guddoomin doona qaybta hore ee fadhiga baarlamaanka yeelan doono Berri oo Khamiis ah.

Kulankan Berri dhacaya oo lagu waday inuu maanta dhaco ayaa dib u dhac ku yimid kaddib markii la isku qabsaday cidda guddoominaysa, Waxaana ajandihiisu yahay khudbad uu jeedinayo guddoomiyaha xilka banneynaya.

Sidoo kale, kulamo iyo wadahadallo dhex-martay guddoonka baarlamaanka oo ay ku dhex-jirtay Madaxtooyada ayaa xalay saqdii dhexe la isku af-gartay in guddoomiye Jawaari uu yeesho guddoonka qaybta hore ee kulaka ay berri yeelan doonaan xildhibaannada Baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Jawaari ayaa codsaday inuu si ay xushmadi ku jirto uga dego xilka, isagoo ah guddoonka fadhiga berri, wuxuuna ku billaabi doonaan furitaankii caadiga ahaa ee fadhiga iyo ansixinta ajandaha, kadibna wuxuu jeedin doona khudbad la sheegay inay meelo badan taaban doonto, iyadoo markaas kadib uu ku wareejin doono guddoonka guddoomiye ku xigeenka koowaad, wuxuuna ka mid noqonayaa xildhibaannada caadiga ah ee fadhiya kulanka.

Dhanka kale, C/weli Muudey ayaa la ogoleysiiyay dalabka Jawaari, waxaana markaas kaddib farriin cusub loo kala diray Xildhibaannada Baarlamaanka, halkaasoo uu kusoo gaba-gaboobayo mooshinkii guddoomiye Jawaari.

Khilaafka u dhexeeya baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa bishii laga soo gudbay soo billowday, iyadoo dhawr jeer ay u baaqdeen kulamo ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, kulammo saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha xilka banneynaya Jawaari ayaa ayaa kusoo af-jarmay in Jawaari uu xilka banneeyo, taasoo lagu wado inay berri dhacdo.

PUNTLAND POST